Mareykanka oo Ku Gacansaydhay Doorashadii Itoobiya Ka Dhacday

0
1000

Washington (Hargeisa Press) – Dowladda Maraykanka, ayaa ku gacansaydhay kana soo horjeedstay doorashadii Itoobiya dhowaan ka dhacday.

Mareykanka, ayaana waxa uu ku tilmaamay doorashadii Itoobiya ka dhacday doorasho aan ahayn xor iyo xalaal midna.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Antonio Blinken oo war-saaxafadeed soo saaray, ayaa hogaamiyayasha Itoobiya ugu baaqay in ay wadahal iyo dib u heshiisiin laga yeesho xaaladaha cakiran ee taagan oo loo baahan yahay in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada gobolka

Antonio Blinken, ayaa waxaa kale oo uu sheegeen in loo baahanyahay in dowladda Itoobiya ay billowdo dimoqraadiyad loo dhan yahay islamarkaana ay sii dayso maxaabiista xidhan.

Waxaa uu ka codsaday siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada Itoobiya inay diidaan rabshadaha kana fogaadaan kicinta isku dhacyo kale oo rabshado wata

Colaada socota, rabshadaha, iyo macluusha ka jirta gobolka Tigree, ayuu sheegay in ay u baahantahay waxqabad deg deg ah, oo ay kamidtahay xabad joojin, kabixida ciidamada Eriteriya ee dhulka Itoobiya, baadhitaanka hufan ee xasuuqa, iyo helitaanka gargaarka bina aadminimo ee dadka ubaahan.

Blinken, waxa uu sheegay in Maraykanku Itoobiya kala shaqaynayo dib u heshiisiin iyo afgarad dhab ah sidii looga dhex abuuri lahaa dhinacyada siyaasadda ee iska horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here