“Mar Labaad Ayaynu Madaxweyne Biixi U Dooraneynaa Difaaca iyo Horumarka Qaranka”

0
881

Hargeysa (Hargeisa Press)- Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay heshiiskii isfahan ee dhexmaray Dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiir hore Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa sheegay in heshiiskii xukuumadda Kulmiye hirgalisay ee Itoobiya uu dhawaan dhammaanayo isla markaasina ay bulshada Somaliland caalamka ka helayaan aqoonsi buuxa iyo Ictiraaf.

Sidoo kale, Wasiir hore Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa sheegay in ay mar labaad Madaxwaynaha Somaliland lagu dooranayo difaaca dalka iyo horumarka ay xukuumadu ku talaabsatay.

Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasibad ballaadha oo lagu taageerayay Xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo ka dhacday magaaladda Hargeysa.

Taageerayaasha Xibsiga Kulmiye, ayuu ku booriyay inay u diyaar garoobaan doorashada dalka ka qabsoomaysa, diyaarna la ahaadaan codkooda oo ay siiyaan Kulmiye iyo Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi:-

“In shan kun gudaha hoolka fadhiyaan dadkiina dibada taagan yihiin waxa ay ku tusaysaa in codka Kulmiye meel yaalo, 13 Novenber mar labaad baynu madaxwaynaha ugu ridaynaa codkeena difaaca Qaranka horumarka uu sameeyay iyo wax qabadka uu sameeyay, maalin dhawna heshiisku wuu soo socdaa, waxa inoo soo socda Ictiraafkii, sow halkaasi ka wada hadli mayno, codkeenu sow Kulmiye maaha ciddii doontaaba ha hadasho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here