Magacyada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo la baafinayo

0
1278

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta baafiyay 16 Xildhibaan oo ka tirsan golaha oo aan ka soo xaadirin fadhiyadii u dambeeyay ee golahaasi.

Golaha Wakiillada waxa ay sidaasi ku sheegeen warqad uu ku saxeexnaa Xoghaye ku xigeenka guud ee golaha Wakiillada Somaliland Jamaal Jaamac Jiir, warqadaasi qoraalka ah oo lagu baafinayo mudaneyaasha aan soo xaadirin.

Shir-guddoonka aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey baafinayay Xildhibaano ka tirsan golaha oo ka maqnaaday fadhiyadii golaha, kuwaasi oo baafintooda lala wadaagay warbaahintana.

Haddaba warqada liiska mudanayaasha la baafinayo ku qornaayeen oo warbaahinta loo qaybiyay, ayaa u dhignayd sidan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here