Magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka Cusub: Sharci mise Sharci-darro?

0
1848

Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu 23kii May sannadkii 2008dii soo saaray 22 wareegto oo uu ku kala magacaabay 6 Gobol oo cusub iyo 16 tuulo oo uu u magacaabay degmooyin. Lix sanno kadib, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maanta magacaabay hal gobol, iyadoo war-saxaafaddeedka madaxtooyadana lagu sheegay in gobolkani cusubi uu ka koobnaan doono degmooyinka Sarmaanyo, Xalin, Carrooley iyo God-aalo. Deggaanadani hore degmooyin umay ahayn, haseyeeshee wareegtada madaxweynaha waxa lagu sheegay inay degmooyin yihiin, markaa ma kala cadda in deggaanadani iyagana loo magacaabay degmooyin iyo in loo haysto inay hore ba degmooyin u ahaayeen! Ujeeddada qoraalkani waa in aan tilmaamo in wareegtooyinkaasi ay Madaxweynayaashu ku magacaabeen gobollada iyo degmooyinka cusub aanay waafaqsanayn dastuurka qaranka iyo xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002). Ugu horeyn, waxaynu tilmaami doonaa qaabka sharciga ah ee ay tahay in loo magacaabo gobol ama degmo cusub kadibna waxaynu tilmaami doonaa sida ay wareegtooyinka Madaxweynayaasheenu u khilaafsan yihiin dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002). Magacaabista Gobollo ama Degmooyin Cusub Sida ku xusan Qodobka 109 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qaab-dhismeedka dalkani Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay gobollo; gobol kastanaa wuxuu u sii qeybsamaa degmooyin. Dhismaha gobollada, derejooyinka iyo xudduudaha degmooyinka waxaa lagu tilmaamay xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka (Xeer Lr. 23/2002). Haddaba, sida uu dhigayo qodobkani, marka loo baahdo wax-ka-bedellida; kordhinta ama yareynta tirada gobollada iyo degmooyinka ama xudduudahooga waxaa waajib ah inuu iyadoo sababaysan soo jeediyo Golaha Xukumaddu, waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida. Majiro qodob kale oo dastuurka kamid ah oo xusaya in Madaxweynahu uu magacaabi karo gobol ama degmo cusub. Waxaanu qodobkani kor ku xusani inoo caddeynayaa in Golaha Xukumadda oo kooban Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu uu awood u leeyahay soo jeedinta, ogolaanshahana ay awood u leeyihiin Goleyaasha Baarlamanku. Soo jeedinta Golaha Xukumadda waxaa ka horeeya oo waajib ah in la buuxiyo shuruuddaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo ee ku xusan qodobka 3aad ee Xeer Lr. 23/2002, kuwaasi oo kala ah:- Baaxada Dhulka ay ku fadhido. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa inay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan. Sida uu dhigayo qodobka 4aad ee Xeer Lr. 23/2002, waxaa shuruuddahani qiimeynaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo ka soo saaraysa Xeer-nidaamiye faahfaahsan oo arrimahani sharaxaya, waxaana ansaxinaya Goleyaasha Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida) sida ku xusan Qodobka 109 (3) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidee ayey Wareegtooyinka ay Madaxweynayaashu ku Magacaabeen Gobollada iyo Degmooyinka Cusubi u Khilaafsan Tahay Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002? Wareegtooyinka lagu magacaabay gobollada iyo degmooyinka cusubi waxay khilaafsan yihiin habka aynu kor ku soo sharaxnay ee ay dhigayaan Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002 in wax lagaga badelo; lagu kordhiyo ama yareeyo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka iyo xudduudahooga ama lagu magacaabi karo gobollo ama degmooyin cusub. Ugu horeyn, majiro qodob qudha oo dastuurka ama xeerarka dalka kamid ah oo xusaya in Madaxweynahu uu awood u leeyahay magacaabista gobollo ama degmooyin cusub. Madaxweynahu keligii xitaa awood uma laha soo jeedinta magacaabista gobol ama degmo cusub, waxaana soo jeedinta awood u leh Golaha Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasi oo sida ku xusan Qodobka 4aad ee Xeer Lr. 23/2002 ay waajib tahay inay Goleyaasha Baarlamanka u gudbiso xeer-nidaamiye faahfaahinaya sida ay degmada ama gobolku u buuxinayo shuruudaha uu dhigayo xeerku. Waxaa waajib ah in magacaabista gobol ama degmo cusubi ay ku saleysnaato shuruuddaha aynu kor ku soo xusnay ee uu dhigayo Xeer Lr. 23/2002. Wareegtooyinka Madaxweynayaasheenu ay ku magacaabeen gobollada iyo degmooyinka cusub midkoodna laguma xusin mid kamid ah shuruuddahani oo ay gobolladani ama degmooyinkani buuxiyeen. Wareegtooyinkani waxaa loo cuskaday qodobka 109, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qodobka 10 ee Xeer Lr. 23/2002. Labadani qodob oo isku nuxur ahi waxay dhigayaan “Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.” Qodobbadani wax magacaabis Madaxweyne la yidhaa kama hadlayaan, mana dhigayaan inuu isagu awood u leeyahay magacaabista gobollo ama degmooyin cusub. Gunnaanad Lix sanno ayaa laga joogaa markii uu Madaxweyne Rayaale sidani sharci-darrada ah u magaacabay 6 Gobol iyo 16 degmo oo cusub, ilaa iyo maantana waxay ku shaqeynayaan miisaanayadii qaranka iyadoo goleyaasha baarlamanku aanay ansaxin. Waxaana runtii guul-darro aad u weyn ah in Goleyaasha Qaranku ay arrintaasi ku guul-dareysteen inay sharciga waafajiyaan. Iyaddoo taasi hore ay taagan tahay ayuu maantana Madaxweynahu ku soo kordhiyey hal gobol iyo afar tuulo oo uu degmooyin ku sheegay (aanu xitaa si cad u caddeynin inuu degmooyin u magacaabay). Runtii iyadna waa guul-darro iyo nasiib-darro weyn oo inagaga dhacday dhinaca ku dhaqanka sharciga. Waana talaabo kale oo lagaga talaabsaday dastuurkii iyo xeerarkii dalka u yaalay. Waxaan soo jeedinayaa in Goleyaasha Baarlamanku ay wareegtooyinkani ku dhaqankooda deeddafeeyaan isla markaana ay xukumadda ku soo dabaalaan ku dhaqanka nidaamka sharcigu dhigayo ee wax-lagaga badeli karo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka Somaliland. ILAAHAY KHEYRKA HA INNA WAAFAJIYO. Qalinka: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer) Burco, Somaliland Email: goodlawyer2014@gmail.com

LEAVE A REPLY