Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Gobolka Cusub Ee Xaysimo Ee Magaalo Madaxdiisu Tahay Taleex

0
3112

Hargeysa(Hargeisa Press)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Maanta Magacaabay Gobol Cusub Magaalada Madaxdiisu tahay Taleex Oo Lagu Magacabo Xaysimo. Madaxweyne Silaanyo Ayaa Digreeto Madaxweyne Ku magacaabay In Gobolka Xaysimo uu kamid Noqdo Gobolada Dalka. Warsaxafadeedka Madaxweynaha: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka; Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada; Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo; Wuxuu Go’aansaday; In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here