Madaxweynihii Dalka Chad oo Lagu Dilay Dagaal

0
1057
Idriss Deby Itno
Idriss Deby Itno

N’DJAMENA (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayay in ka badan 30 sano, ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaadhay isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaana sidaas sheegay ciidamada.

Deby, “ayaa hadda ay ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka,” isaga oo ku sugan goobta dagaalka, waxaa sidaas war-saxaafadeed laga akhriyay taleefishinka dowladda ku yidhi afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalintii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km ku soo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.

Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

AFP, REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here