“Cidii u hogaansami wayda nabadda tallaabo dawladeed ayaanu ka qaadaynaa”…

0
660

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool  ayaa sheegay in ciidamo xoogan ay geeyeen Ceelka Dhabar Dalool oo ka tirsan degmadda Xudun oo ay dhawaan ku dagaalameen maleeshiyo beeleed deegaankaasi ah.

C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu sheegay in ay kala qaadeen maleeshiyaadkii halkaa ku dagaalamay haatana ay socdaan dedaallo ay isugu keenayaan waxgaradka labadda dhinac.

Guddoomiyaha oo ka warbixinayay xaaladihii u danbeeyay ee deegaankaasi waxa uu yidhi, “Xaaladoodii dawladda Somaliland ayaa gacanta ku qabatay, maleeshiyaadkii halkaa ku dagaalamayna waan kala dirnay.

Dad ergooyin ah oo Laascaanood ka tegay, qaarna deegaamadda kale ee gobolka Sool ay ka soo baxeen, ayaa iyagna na soo gaadhay, oo garraado leh, oo cuqaan leh, oo culimo leh, imikana xaaladu aad bay u degan tahay”.

Tiradda dadka ku dhintay colaad beeleedkaasi ayaa gaadhaysa ilaa 18 qof, halka dhaawacuna uu ilaa labaatan gaadhayo.

Beelahan walaalaha ah ee  ku dagaalamay halkaasi ayaa dagaalkoodu ka bilaabmay ceel biyood, kaasoo imika ay la wareegayso dawladu, sida uu sheegay badhasaabka Sool.

“Waxa ay isku hayeen-na wax xikmad badan ba ku dhisan maahee, waa Ceel biyood. Ceelasha iyo meelaha danta guud ah dawladda ayaa iska leh. Shacabkuna ma kala laha.

Markaa ceelkaasi sharciga dawladda u yaala ee wasaaradda biyaha ayaa lagu maamulayaa” ayuu yidhi C/qani Jiidhe, oo u waramay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Geesta kale, guddoomiyaha Sool oo wax laga waydiiyay waxa laga yeelayo Diyadda dadkii ku kala dhintay dagaalkaasi, waxa uu ku jawaabay “Taasi sharci baa ka yaalla. Mid islaam iyo mid dhaqanba. Gacan waliba waxay gaysatay ayay leedahay.

Xukunno ayaana ka soo bixi doona. Dad saaxi-bul caqli ah, oo talladda iyo dhaqanka yaqaana, ayaa iyagna hawsha noogu yimid oo dawlad ahaan aanu wax badan ka caawinaynaa.

Dawladuna  nidaam iyo shuruuc bay ka leedahay dawladaha noocaasi ah ee dhaca. Markaa sharciga ayaa la marin doonaa cid kastoo uu kiiskaasi gallo”.

Dhinaca kale, C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in ay ka dawlad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan cid kastoo u hogaansami wayda nabadda iyo tallooyinka ay ergooyinku soo jeediyaan.

Waxaanu yidhi, “Cid allaale cidii u hogaansami wayda nabadda ama jebisa, tallaabo dawladeed baanu ka qaadaynaa. cid jebin kartaana ma jirto nabadda”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here