Madaxweyne Somaliland Oo Socod Ku Maray Jidadka Berbera, Salaaddana Shacbiga La Tukaday + SAWIRRO

0
809

BERBERA, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Magaalo xeebeedka Berbera ayaa Salaadii Jimcaha Masjidu Huda kula tukaday shacbiga Berbera. Madaxweynaha ayaa shalay galinkii dambe gaadhay magaalada Berbera.

4ceb243d-2a71-40ab-817f-47d3b21ca8ee

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War shalay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu yahay socdaal shakhsi ah, balse xogo kale ayaa sheegaya in socdaalkiisu la xidhiidho qorshaha madaxweynuhu ku wareejinayo dekedda Berbera, iyadoo halkaasi ay joogaan wefti Imaaraadka ka socda.

0e0765f7-7180-4b32-aa81-464186516a9b

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo salaada ku tukaday Masjidu Huda oo hore loo odhan jiray Xuseen Sanca, oo uu khudbadii Salaada Jimcaha akhriyey sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali kuna soo qaatay arrimo doora oo la xidhiidha amaanka markii laga soo baxay salaadiina shacbi weynaha reer berbera ayaa isugu soo baxay barxada masjidka iyagoo madaxweynaha sacab iyo duco isugu daray si weyna u soo dhaweeyey.

sh saleban

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynuhuna waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mida wadooyinka magaalada isaga oo ku soo noqday guriga martida oo uu ka degan yahay magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here