Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta qaabilay Wefti heersare ah oo ka socda Dalka Maraykanka. Weftiga waxaa hogaaminaysa Haweenayda Miss Etim Linda oo ah ku xigeenka Madaxda Hay’adda horumarka u qaabilsan Maraykanka ee USAID iyo Safiirka Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia u qaabilsan.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa u jeedada socdaalka weftigan ku sheegay xoojinta cilaaqaad wanaagsan oo dhex mara labada wadan “Waxa maanta halkan noogu yimid Wefti weyn oo ka socda Maraykanka. Waa weftigiii heerkan ah ee ugu horeeyay ee inooga Yimaada Maraykanka, waxaanuna ka wada hadlaynay sidii labada wadan Cilaaqaad cusub oo wada shaqayn iyo waxtar leh u yeelan lahaayeen. Waad la socotaan oo mashaariic badan ayay imikaba ina siisaa USAID, haseyeeshee waxaanu kala hadlaynay sidii naloogu kordhin lahaa” ayuu yidhi Wasiirka khaarajigu.
Miss Etim Linda ku xigeenka Madaxa Hay’adda horumarinta Maraykanka ayaa sheegtay inay tahay markii u horaysay ee ay timaado Somaliland, islamarkaana ay ka mahadcelinayso Soo dhawaynta loo sameeyay. Waxay sheegtay inay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo wasiiro wehelinayay sidii Hay’adda USAID sii wada lahayd Mashaariicda dhanka horumarinta ah ee ay Somaliland ka wado.
HALKAN KA DAAWO
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
info@hargeisaPress.com