Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakiil Cusub U Magacaabay Dalka Ethiopia

0
1262

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axamed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Waxaa Uu Digreeto Uu Madaxweyne Ku Magacaabey Wakiilka  Somaliland Ee Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu safiirka Dalka Ethiopia Ee Somaliland U Magacaabey In Uu Noqdo Mudane Aaden Jaamac Galaal

Waxana War-Saxafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweynuhu Uu U Dhiganaa Sidan .

WAR DEG DEGA hada

War-Saxafadeed

Madaxweynuhu:-   Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here