Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xidhay Shirweynihii Kulmiye iyo Bilad lagu maamusay + SAWIRRO

0
876

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo xidhay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye hotelka Maansoor ee Hargeysa uga socday  shalay iyo maanta. Shirkaasi oo shalay loogu doortay musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, musharax xigeenna loogu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta ajandihiisu ka duwaan kii shalay.

maanta 7

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulanka maanta ayaa intii uu socday waxaa wax ka bedel lagu sameeyay shuruucda xisbiga Kulmiye, gaar ahaana qodobo ku saabsan sida xubnaha xilalka hayaa golaha dhexe ku soo galaan. Golaha dhexe oo ay hore xilalka ugu soo gali jireen xubnaha Kulmiye ee golaha wakiillada ku jira iyo kuwa golaha wasiirada ku jira ayaa hadda lagu kordhiyay in xubnaha Guurtidu xilal ku soo galaan golaha dhexe.

maanta 8

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulanka ayuu sidoo kale khudbad 12 bog ka kooban ka jeediyay guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin adkaynta ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, tamarta, doorka haweenka, dhalinyarada iyo dadka la haybsooco. Waxa uu sheegay in xisbigiisu kor u sii qaadi doono arrimahaasi 5-ta sanno ee soo socota.

maant 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaasi soo xidhay wuxuu hogaanka Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga kula dardaarmay isku duubni iyo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafaadka soo dhexe gala. Waxa uu madaxweynuhu bogaadiyay wasiirkiisa caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo shalay lagaga adkaaday musharaxnimada madaxweyne xigeen, waxaanu sheegay in Dr Xaglotoosiye sameeyay geesinimo bisayl siyaasadeed.

maant 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socda, waxaan u rajaynayaa guul. Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.  Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen. Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

maanta 5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

maanta 1

Waxa ugu dambeyn madaxweynaha la gudoonsiiyay bilad sharaf uu ku mutaysatay sida uu uga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye. Waxa shahaado sharafta guddoonsiiyay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here