Madaxweyne Siilaanyo Oo shahaadoyin Gudoonsiiyey Ardayda ka baxday Jaamacada Camuud ee Boorama + SAWIRRO

0
1185

Boorama, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo Shalay Safar ku tagay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama, ayaa waxa uu ka qayb galay  Qalinjebinta Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu Madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo.

Jaamacada Camuud  2

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa munaasibada qalan-jebinta waxa uu ka soo jeediyey hadalo iskugu jira dhiirigelin, dardaaran iyo waano, waxaanu Jaamacada Camuud ku tilmaamay inay tahay Jaamacad taariikh weyn ku leh Qaranka iyo Shacbigaba, isaga oo hambalyo u diray Gudoomiyaha jaamacada Prof. Saleeban , Maamulka iyo Macalimiinta  jaamacada, waxaanu balan qaaday inay   xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan  kaalintooda  tayeynta Waxbarashada.

Jaamacada Camuud  7

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey Madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamcadu iyo natiijada ka dhalay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sanadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD,  waxaanu  ku dheeraaday tayeynta iyo kaabida waxbarashada jaamacada camuud, taasi oo ka dhigtay jaamacadan qiimayn lagu sameeyey jaamcadaha guud ahaan meelaha af-soomaaliga lagaga hadlo, ay noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan jaamacadaha sida qiimayntaasi lagu cadeeyey.

Jaamacada Camuud  8

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud  uu sidoo kale kula  dardaarmay ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud oo tiradoodu dhantahay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacada muujiyaana aqoonta ay soo barteen Qaranka iyo Bulshadana ay ugu adeegaan.

Jaamacada Camuud 9

Dhanka kale waxa iyana munaasibadaas qalanjabinta ka hadlay Masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba Arday oo ku hadlaayey afka Ardayda qalinjebinaysay.

Jaamacada Camuud 5

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu Shahaado sharaf gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay dufcadaha kala duwan ee jaamacada camuud iyo xubno kala duwan oo lagu sharfay kaalinta ay ku leeyihiin taakulada iyo dhiirigelinta jaamacada.

Jaamacada Camuud  13

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here