Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Hogaanka Garsoorka Somaliland + SAWIRRO

0
861

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda caddaaladda Somaliland oo ay hogaaminayeen guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Axmed, wasiirka Caddaaladda iyo garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan.

11231261_824260917687763_7069624542854003265_n

Kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardar galin lahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo caddaaladda, isla markaana loo xoojin lahaa caddaaladda maadaama oo caddaaladdu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay caddaalad ku helikaraan iyo sidii looga hor tagi lahaa caqabkasta oo wax yeelaysa caddaaladda layskuna meel dhigi lahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

11892242_824257567688098_8676987289945055350_n

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka Cadaalada iyo garsoorka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida.

11885313_824263821020806_4392298160701671779_n

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinnaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinnaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

11947516_824261161021072_8428913107286549056_n

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here