Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda Mashruuca JPLG + SAWIRRO

0
1035

HARGEISA , (HargeisaPress) — Madaxweyne  ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa  ugu sareeya Mashruuca JPLG-ga oo Caawiya Dawladaha Hoose.

kkkkhg

kulan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ayaa waxaa ku kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand ahna hogaamiyaha mashruuca JPLG  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo ay wehelanayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha ee Gobolada iyo Degmooyinka Jaamac Cabdilaahi Biin  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdifataax Siciid Axmed  , waxaana kulankaasi lagu lafa guraayey sidii loo xoojin lahaa mashuurca JPLG iyo maamul daa dadejinta.

12957396_1138706196173782_1846461162_n

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa si balaadhan usoo dhaweeyey Madaxda ugu saraysa mashuurca iyo hawladeena  isagoo uga mahad celiyey socdaalka ay ku yimaadeen somaliland islmarakana uu xusay kaalinta uu ka qaatay mashruucani horumarka degmooyinka dalka qaar, Waxaa iyaguna halkaasi madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyey  xubnaasi ka socday JPLG kuwaas oo Madaxwyne ku xigeenka uga mahad celiyey sida wanaagsan ee uu ugu qaabiley qasriga Madaxtooyada.

12939100_1138706169507118_270400491_n

Mashruuca JPLG ga oo Caawiya Dawladaha Hoose iyo Maamul daadejinta ayaa  waxa uu Soomaliland ka bilaabmay 2008,  mashruucan oo ay ku bahoobeen shan haayadood UNDP, UNICEF, UNCDF, ILO, UN-HABITAT ayaa waxay ka wada shaqeeyaan kor uqaadida awoodaha iyo xifadaha dawladaha hoose iyo inay bixiyaan adeegyo hufan iyadoo dhinac ay ka tahay in la hirgaliyo siyaasada maamul daadejinta ee uu golaha wasiiradu ansixiyeen dhamankii sanadkii hore.

12968638_1138706186173783_1972179150_n

Mashruucan oo ka hirgalay 8 degmo  (Hargaysa, Berbera, Borama, Burco, Shiekh, Gabilay, Oodwayne iyo Zayla) ayaan lasoo koobi Karin natiijooyinka ay ka gaadheen iyo sida ay awoodoodu u dhisantay, sidoo kale dawladaha hoose waxay ka helaan maal galin xaga dhismayaasha sida wadooyinka iyo wixi lamida.

 

12966459_1138705509507184_182493347_n

Hadaba Wefdigan oo uu  hor kacayo Maamulaha sare ee mashruuca JPLG Poul Simkim oo ay ku weheliyaan BOBIRJAN TURDIYEV (JPLG PMU)    FRIDAH.KARIMI (JPLG PMU),   ABDUBA MOLLU, (JPLG PMU),     DMITRY POZHIDAEV (UNCDF)  iyo MAHDI OMER SHEIKH (JPLG PMU) ayaa saaka kulan la yeeshay Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada soomaalind ahna Hogaamiyaha Mashruuca JPLG iyo Maamul daadejinta ee soomaaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Wasaaraada Arimaha Gudaha oo kala ah Wasiir ku xigeenka Gobolada iyo degmooyinka Mudane JAMA ABDALA WARSAME, Agaasimaha Guud, ABDIFATAH SICID AXMED Agaasimaha Gobolada iyo degmooyinka iyo la taliyeyaasha Mashruucan.

12968529_1138705366173865_1740997839_n

Ujeedada kulankan aya waxa ugu muhiimsanaa in la qorsheeyo sanad hawleedka 2016 iyo sidii loo horumarin laha mashruucan iyo sidii loo  gaadhsiin laha  guud ahaan dalka Somaliland.

12935217_1138705569507178_2089517979_n

Ugu danbayntii Madaxweyne ku xigenka jamhuuryada Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi (Saylici) ayaa  waxa uu sheegay in uu marka ugu horaysa uu u mahad naqaayo qaadhaan bixiyeyaasha Mashruuca JPLG-ga taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiiyaan lacag aad u badan. Ugana Mahad celiyay taageerada ay siiyaan Somaliland.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here