Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Shacabka Togdheer Kala Qayb Galay Xuska 26 June

0
1204

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Xarunta gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco kaga qayb galay munaasibada 60 Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa Wehelinayay Wasiirada Waxbarashadda, Shaqo gelinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa si qoto dheer u sharaxay in Somaliland ay ka mid ahayd dalalkii Africa ee sannadkii 1960 xornimadooda ka qaatay Gumaystayaashii qaaradan qaybsaday.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenku ka hadlay Midnimadii lagu hungoobay iyo is raacii dhex maray Somaliland iyo Somalia oo 1-dii bishii July ee 1960 gobonimadeeda ka qaatay guumaystaha Talyaaniga isagoo sheegay inay umadda Somaliland ka dhaxashay burbur iyo khasaare baaxad leh kaas oo sababay in halgan qadhaadh kadib lagu go’aamiyey Magaaladda burco dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida JSL.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here