Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira socdaalkiisi Ethiopia ayaa la kulmay Laba madaxweyne oo hore u soo maray Xilalka Dalalka South Afrika iyo Suudaan.

0
891

Addis Ababa , (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, safiirka somaliland ee itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan xogyaha gaarka ah ee madaxweyne ku xigeen Cabdirashiid ayaa la kulmay madaxweyninihii hore koonfur Africa Thabo Mbeki ahna Gudoomiyaha gudiga sare ee xalinta khilaafaadka koonfur afrika iyo chief staff ka gudigaasi.

saylici adis 4

 

Safiirka Somaliland ee itoobiya Maxamuud Jaamac Aadan Galaal oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo South Afrika ay yihiin laba wadan oo khabiir ku ah dhinaca nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka.

markaa hadii labada khibradood la isla kaashado ay wax weyn ka tarayso nabadaynta Koonfurta Suudaan Somalilandna ay diyaar u tahay inay khibradeeda la wadaagto.

saylici adis 14
wasiirka arrimaha dibada JSL Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay somaliland buuxisay shuruudihii lagu aqoonsan lahaa dawlad, isagoo xasuusiyay Thabo Mbeki markii uu madaxweynaha ahaa inuu ka garaabay qadiyada ictiraafka somaliland imikana looga fadhiyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa xidhiidhka labada dal.

saylici adis 16
Madaxweyne ku xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna uga waramay heerarkii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay iyo horumarka ay ku talaabsatay iyadoon beesha caalamka ka helin gacantii ay uga baahnayd isagoo sidoo kale ku dheeraaday kaalinta hormoodnimo ee koonfur afrika kaga jirto qaarada afrika loona baahan yahay sidii ay uga ololayn lahayd qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

saylici adis
Madaxweynihii hore ee koonfur afrika Thabo Mbeki ayaa ku amaanay somaliland sidii ay meel  souse wax uga soo bilowday nidaamka dawladnimo soona gaadhsiisay heerka ay maanta taagan tahay ee ay ku naaloonayso dimuquraadiyada nabada iyo xasiloonida.

Geesta kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka somaliland la kulmay Madaxweynihii hore ee Suudaan saadiq Al amiin oo ay ka wada hadleen arrimo dhawra.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here