Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta daah-furay Mashruuc ballaadhan oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu ku Daaweynayso Xoolo ka badan 500,000 (Shan boqol oo kun) oo neef oo kamid ah Xoolaha ku nool deegaannada kala duwan ee dalka Somaliland.
Munaasibadda daahfurka oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xannaanada xoolaha oo ay madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha madaxweynaha kala qaybgaleen madaxda kala duwan ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirro, Agaasimayaal Guud, Dhakhaatiir, Afhayeenka Madaxweynaha Qaranka, Khubarada fulinaysa Mashruucan daaweynta ah ee marti-sharaf kale.
Waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay Xooluhu u leeyihiin daaweyntani iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-QABAD uga go’an tahay inay horumariso laf-dhabarta dhaqaale ee dalka oo ah xoolaha nool.
Ugu horrayn, xubno ay ka mid yihiin wasiir-ku-xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay daaweyntani ku fadhido iyo sida ay wax uga tarayso tayeynta Xoolaha iyo ilaalinta caafimaadkoodaba.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa dhankiisa bogaadiyey mashruucan, waxana uu ku tilmaamay mid lagu faani karo oo xilligan adag ee jiilaalka ah si weyn loogu baahnaa.
Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in mashruucan daaweynta ahi uu qayb ka yahay siyaasadda dawladda iyo waxqabadka Xukuumadda WADA-JIJR iyo WAX-QABAD ku doonayso inay hirgeliso muddada 100-ka cisho ah ee ugu horreeya Xukunkeeda.
Wasiirka, ayaa waxaa uu xusay in mashruucani ka kooban yahay nafaqayn, daawooyin xoolaha dulinka lagaga dilayo iyo kuwo lagaga daweynayo cudurrada.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibadda daah-furka ka hadlay, ayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku bogaadiyey Mashruucan qiimahaleh ee ay Wasaaradu gacanta ku hayso.
Waxana uu Madaxweyne ku-xigeenku si cad u sheegay in Xukuumadda cusubi ahmiyad gaar ah siinayso Xoolaha nool oo ah laf-dhabarta nolosha iyovdhaqaale dadka Somaliland.
Hoos ka daawo muuqaalka