Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo qaabiley Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland

0
1091

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, ayaa waxaa uu maanta qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Ambassador Teshome Shunde.

Kulanka Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa waxax uu ka qabsoomay Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka.

Waxaana Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, Sidoo kale waxaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland kulanka ku wehelinayay u qaybsamaha difaaca ee Itoobiya (Military attache).

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Safiirka Itoobiyaย  ee Somaliland, ayaa waxaa ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga labada wadan.

Kulankan, ayaa waxaa uu u jeedkiisu ahaa is barasho la xidhiidha Taliyaha cusub iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here