Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland muxuu ka yidhi Raysal Wasaaraha cusub ee UK?

0
1506

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyay Raysal wasaaraha cusub ee UK Keir Starmer.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter).

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland tilmaamay inuu Raysal wasaaraha cusub u rajayno guul muddo xileedkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wuxuu xusay in 33kii sannadood ee Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda uu Ingiriisku ahaa bahwadaagta ugu muhiimsan ee kaalinta horumarinta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here