Guddoomiyaha UCID Oo Khudbad U Jeediyay Dhalinyaradda Boorama

0
677

Boorama (HP): Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu khudbad u jeediyay qaar ka mid ah dhalinyarada magaaladda Boorama.

Waxaana madashaasi ka soo qeyb-galay, qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Awdal, iyo dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee jaamacadaha ka qalin jebiyay iyo dadweyne kala duwan.

Sidoo kale waxaa madashaasi isna khudbad ka jeediyay aqoon yahan Axmed Muxumed Cumar.

Khudbadahan ay jeediyeen masuuliyiintani ayaa ku tacalluqday taariikhda Somaliland, marxaladda hadda la marayo iyo waxa shacabka Somaliland la gudboon.

Dhalinyarada ayaa su’aalo waydiiyay guddoomiyaha xisbiga UCID, iyadoo gudoomiyuhuna uu su’aalahaasi dhamaantoodba ka bixiyay jawaabo waafiya.

DAAWO: Khudbadda Guddoomiyaha UCID Ee Dhalinyaradda Boorama:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here