‘Madaxweyne Ishii Dhaqaalaha Haddaad Dillaaliin la Damacdo, Dee Dalkana Muqdisho Ka iibi!’ Qalinka: Mawliid Aadan Cumar

0
907

Madaxweynihii Mujaahidka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wakhti badan quud-darraynayey in Shacabka Somliland mar uun u doortaan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay himiladiisi u rumawday 26 June 2010-kii, oo uu doorashooyinkii dalka ka dhacay ay Shacabka Somaliland u doorteen Madaxweynaha muddo shan sano ah dalka iyo dadkaba hoggaaminaya.

Haddaba, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo wakhtigii loo doortay Madaxweynennimada dalka ay uga hadhsan yihiin afar bilood wax ka yari, waxaa aniga iigu yaab iyo u qaadan-waa badnayd, Khudbad-sannadeedkiisii ugu horreysay ee uu ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland 2011-kii.

Khudbaddaas waxaan aad iyo aad u dhadhansaday oo uu yidhi; “Waxay Xukuumaddu tiro-koob ku samaysay Guryaha dawladda  ee dalka, waxaanay tiradoodu dhan tahay Kun iyo Afar iyo Afartan Guri – 1044, Guryahaas waxaan u qorshaynay in Xukuumaddu iibiso, waxaanay noqonaysaa Lacagta iibkoodu Shan Boqol iyo intaas oo Milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Lacagtaas waxaan ku dhisaynaa Wershado, si aynu dhalinyarada Shaqo-abuuris ugu samayno.”

Hase-yeeshee, intaas oo Guri ee Madaxweynuhu iibka u qorsheeyey, waa intii dalkan Somalliland u ahayd Hoy iyo Xafiise, Caqliga gartay iibi oo Dillaaliin u dir; ‘Bal Adba!….’

Maalintaas markaan dhegaystay Madaxweynaha Khudbad-sannadeedkiisii koowaad ee 2011, waxaan isku qanciyey; ‘Madaxweynaha waxay ka khaldeen isku-dubbaridkii qoraallada ee waxani Caqliga Saliimka ah ka baxsan!.’ Balse Hal-ku-dheg baa ahaa Meyd kee u dambeeyey? iyo kaa la siisido.!.

Haddaba, waxaan uga socdaa, Madaxweyne wakhtigan waxa la hadal-hayaa inaad Ishii Dhaqaalaha dalka ee Dekedda Berbera (Berbera Port) aad ku wareejinayso Dillaalliine, hadday taasi kuu suurta-gasho,  oo aad ku dartay Kun, Afartan iyo Afartii Guri , waxaan kugu dhiirrigelinayaa dalkan Somaliland laftiisana ka iibi Muqdisho oo Xirsi iyo Xaashi u dir.!

Qalinka Mawliid Aadan Cumar

Tel: NO: 0634410898

Email: mowliid1991@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here