Madaxweyne Farmaajo Oo Hogaaminta Doorashadda Ku Wareejiyay Raysal Wasaare Rooble

0
423

Muqdisho (HP): Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay inuu ra’iisal Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.

U jeedadda uu madaxweyne Farmaajo maanta u hor tegay golaha Shacabka ayaa la xidhiidhay kadib markii laba maalmood ka hor balan qaaday in laga noqonayo go’aankii uu hore golahaasi u ansixiyay ee muddo kordhinta loogu sameeyay xukuumadiisa.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha kaddib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.

Dhamaanba xubnihii xildhibaanadda ahaa ee fadhiyay ayaa u wada codeeyay  soo jeedinta madaxweynaha mana jirin cid diiday ama cid ka aamustay codsigaasi.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa xukuumadda faray inay hawshaasi baaxadda leh u hoggaansamaan, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho dad-ban.

Khudbadii madaxweyne Farmaajo, oo aad u dheerayd ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qalalaasihii ka dhacay Muqdisho todobaadkan, xuska maalinta shaqaalaha adduunka oo maanta ku beegnayd, sidii looga wada shaqayn lahaa hawlaha qaranimadda.

Waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu dalka hayay, doorka iyo kaalintii ay golaha shacabku ku lahaayeen hawlaha dalka, hirgelinta heshiisyadii la xidhiidhay sidii dalka doorasho uga qabsoomi lahayd iyo waxyaabo kale.

Geesta kale, madaxweyne Farmaajo, waxa uu aad ugu dheeraaday qalaalisihii ka dhashay rebshadihii ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay haayadaha dawladda, oo uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen cid la safan cadowga Soomaaliya.

Wuxuu amaanay meeqaamka caasimadeed ee Muqdisho oo uu tilmaamay in aanay marnaba jeclayn in ay dib ugu noqoto waxyaabihii hore u soo maray bulshadda magaaladaasi ku nool.

DAAWO: Khudbadii Uu Farmaajo Ka Hor Jeediyay

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here