Maraykanka Oo Soo Dhaweeyay Tallaabadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka Soomaaliya

0
522

Muqdisho (HP): Dawladda Maraykanka ayaa soo dhawaysay tallaabadii uu maanta madaxweyne Farmaajo Golaha Shacabka dib ugu celiyay in ay kaga noqdaan go’aankii ay hore muddo kordhinta ugu sameeyeen.

Iyadoo go’aankii muddo kordhinta ay maanta ka noqdeen golaha shacabka Soomaaliya kadib markii uu codsi arrintaasi la xidhiidha u gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Sida lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayay ku soo dhawaysay go’aannadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhawayneynaa ficillada maanta ay qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Sidoo kale waxay dawladda Maraykanku soo dhawaysay doorka raysal wasaare Rooble, uu ku hirgelinayo doorashada Soomaaliya.

Waxaanay ka codsadeen Maraykanku raysal wasaaraha Soomaaliya in looga baahan in arrinta doorashadda loo qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaana lagu dyidhi qoraalkaasi, “Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka raysal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here