Madaxweyne Farjaamo Oo Kulan Kula Yeeshay Madaxweyneyaashii Isaga Ka Horeeyay

0
572

Muqdisho (HP): Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyadda kulan kula yeeshay qaar ka mida madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay iyo hogaamiyeyaasha madasha xisbiyadda mucaaradka ah.

Kulankaasi ayaa la sheegay in lagu lafo-guray xaaladaha siyaasadeed ee dalka gaara ahaana arrimaha ku xeeran nooca doorasho ee dalka Soomaaliya ka dhici karta sanadka danbe.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya qaar ka mida maamul goboleedyadda iyo dawladda federaalka.

Shirkan ayaa imanaya kadib markii madaxweyne Farmaajo uu casuumad u fidiyay lab aka mida madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay oo hadda ku midaysan madasha xisbiyadda mucaaradka, isla markaana aad u dhaliila qaabka siyaasadeed ee dawladda Farmaajo.

Kulanka oo bilaabmay duhurnimadii maanta ayaa soo gebagaboobay galabta, kaasoo socday muddo saddex saacadood oo xidhiidh ah.

Kulanka oo al-baabadu u xidhnaayeen, isla markaana warbaahinta aan loo ogolayn iyo cid kale-ba ayaa markii uu soo dhamaaday waxay masuuliyiintii ka qayb galay xarunta madasha xisbiyadda qaran ee magaaladda Muqdisho kulan ugu qabteen xubnaha xisbiyadoodda.

Iyadoo uga warbixiyay ay madaxweyne Farmaajo kala hadleen. Intaas kadib ayay la hadleen warbaahinta,waxaana weriyeyaasha la hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh, oo ay dhinac taagnaayeen madaxweynihii isaga ka horeeyay iyo xubno ka mida madasha xisbiyadda oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka.

 

Waxaanu yidhi, “Arrimaha doorashooyinka madaxweynaha waan isla soo qaadnay, si fiican ayaanan uga wada hadalnay. Waxaanan isla soo dhawaynay in dalka doorasho ka dhacdo wakhtigeedii. Korodhsiimo aanay jirin hay’adaha dastuuriga ah.

Doorashada-na ay ka wada qayb galaan oo la dorto dhamaanba hay’adaha dastuuriga ah, ee talladda dalka ku jooga doorasho, ee la soo doortay.

Doorashadu nooca ay noqonayso, waa laga wada tashanayaa. Doorasho raali laga wada yahay, dadkoo dhami ay u dhan yihiin, in ay dalka ka dhacdo, oo laga tashaday, la isla aqbalay, ayaan ku soo balanay, oo aan isla so oaf-garanay”.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kaloo uu sheegay in ay madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen in la xaliyo jira ee u dhexeeya qaar ka mida maamul goboleedyadda iyo dawladda federaalka ah.

“Waxa kaloo aan madaxweynaha isla soo qaadnay in wixii khilaafaad iyo mad-madow ah ee jira oo dhan, in wadahadal lagu dhameeyo. Si gaara arrinta dawlad goboleedyadda qaarkood in laga wada hadlo, lana dhameeyo mustaqbalka”ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Geesta kale Xasan Sheekh, waxa uu sheegay in arrimihii ay madaxweyne Farmaajo kala hadleen ay ka mid ahayd amniga iyo arrimaha ciidamadda in aan la siyaasadaynin.

Waxaanu yidhi, “Waxaan isla garanay amniga in aan la siyaasadaynin. Ciidamadda iyo hay’adaha amnigu-na ay siyaasadda ka madax banaanaadaan, oo aan siyaasad loo isticmaalin. Aad iyo aad ayaan u dul istaagnay arrintaasi, iyada-na waan isla garanay madaxweynaha”.

Dhinaca kale waxyaabihii ay siyaasiyiintaasi kala hadleen madaxweyne Farmaajo ayuu Xasan Sheekh, sheegay in ay ka mid ahaayeen dagaalka ay dawladu kula jirto Al-shabaab iyo sidii dalka looga xorayn lahaa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here