Madaxweyne Cirro oo shaaciyey in Madaarka Berbera u furan yahay Ganacsiga iyo Diyaaradaha

0
1131

Berbera,(HargeisaPress)– Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo weli ku gudo-jira safarkiisii shaqo ee uu ku marayey Gobolka Saaxil ayaa maanta kormeer ku tagay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi warbixin mug leh kaga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudne Fuaad Axmed Nuux.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay Strategy-yada Madaarka Berbera oo ah in uu noqdo Madaarka Caalami ah (Airport Hub) kaasi oo adeegyo ay ka qaadan doonaan Diyaaradaha u kala gooshaya daafaha caalamka ee dusheena maraya. Wasiirku waxa uu bayaamiyey in muddadii koobnayd ee uu joogay Wasaaradda ay Madaarka Berbera ku soo dageen Diyaarado badan oo adeegyo ka qaadan jiray Maddaaradda wadamada Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sharaxay inay qorsheeyeen sidii Madaarka Berbera looga dhoofin lahaa kalluunka, khudaarka iyo hilibka qalan, sidoo kale qorshaha ay ku jirto in la bilaabo Duulimaadyada Xamuulka ah (Cargo Flights) isku xidha Addis Ababa iyo Berbera. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ay kala shaqaynayaan sidii loo bilaabi lahaa duullimaad Dalxiis ah oo isku xidha Addis Ababa iyo Berbera.

Waxa iyaguna madasha hadallo ka soo jeediyey Maayarka Magaalada, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaasi oo mid mid hoosta uga xariiqay muhiimadda uu Madaarka Berbera u leedahay Qaranka JSL iyo Gobolka Geeska Afrika.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda kormeerka Madaarka Berbera soo gunaanaday ayaa sheegay in Siyaasadda Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay tahay in Madaarku shaqeeyo, waxaanu ku dhawaaqay in Madaarka Caalamiga ah ee Berbera uu u furan yahay Ganacsiga iyo Diyaaradaha Rakaabka iyo Cargo-ga ah.

Ugu dambayntii, Madaxwaynuhu waxa uu Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ku bogaadiyey xidhiidhada Caalamiga ah ee uu sameeyay muddadii koobnayd ee uu joogay Wasaaradda, tallaabadaasi oo suurto-gelin doonaa in Madaarka Berbera ay isticmaalaan Diyaaradaha caalamiga ah ee dusheena maraya.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here