Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibad maanta xadhiga lagaga jarayay suuqa ganacsiga ee WAAHEEN ee magaalada Hargeysa oo dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa ugu horayn u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in dib loo dhiso suuqan, lagana hirgeliyo dhismeyaal dhaadheer oo imkaaniyaadkii suuq looga baahnaa loo wada dhamaystiray.
Waxaana uu Madaxweynuhu si qoto dheer uga waramay halgankii dheeraa ee loo galay sidii loo dhisi lahaa Suuqa WAAHEEN iyo qaabkii looga hawlgalay.
Sidoo kale, wuxuu u mahadnaqay ganacsatadii hantidooda ku waayay gubashadii suuqa, oo uu sheegay in iyagoo ay dhibaatadaasi gaadhay ay bixiyeen kala badh lacagtii suuqa lagu dhisay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu dambayntii waxaa uu ku baaqay in lagu dagaalamo jiritaanka qaranimada Somaliland iyo ictiraafkiisa.