Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Qoddobada Ay Kala Dadleen Mareykanka

0
4807

Washington (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in farriinta ugu weyn ee ay gaadhsiiyeen Maraykanku ay ahayd sidii Somaliland caalamka uga heli lahayd aqoonsi.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay khudbad uu maanta ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy, oo ku yaalla Washington, oo lagu marti qaaday isla markaana uu maalintii 11-aad socdaal shaqo ku joogo Maraykanka.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in hadafka ugu weyn ee Somaliland yahay aqoonsi, laakiin ay Maamulka Biden iyo Congress-ka Maraykanka kala hadleen sidii Somaliland ay xidhiidh xoog leh ula yeelan lahayd Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in horumarka bariga Afrika iyo bariga dhexe uu sii xoogaysanayo, isla markaana ay dalalka Imaaraadka, Turkiga, Iiraan, Qatar, Ruushka iyo Shiinuhu ay sii xoojinayaan joogitaankooda bariga Afrika, iyadoo ay bateen saldhigyada millatari ee laga hirgeliyey Mandaqadaas.

Waxa kaloo uu ku dooday inay lagama maarmaan tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland doorkeeda ka qaadato ilaalinta badda cas iyo gacanka cadmeed, maadaama oo uu xusay inay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 460 Mile, taasi oo ay iskeed u ilaaliso xeebta badda cas oo ay maraan baddeecadaha ugu badan ee iskaga gooshaya caalamka.

Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in dhibaatada ammaanka badda cas ay daneeyeyaashu si loo dhan yahay u axadhaan ilaalada xeebaha, taasi oo ay Somaliland-na doorkeeda ka qaadan doonto.

Madaxweyne Biixi wuxuu tilmaamay in bishii June ee la soo dhaafay ay Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World fureen teerminaalka cusub ee Kontiinarrada dekedda Berbera, taasi oo uu xusay inay dhammaystir u ahayd wejigii hore ee ballaadhinta iyo casriyeynta marsadaas.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu intaas ku daray in bishii October shirkadda DP World iyo Wakaaladda horumarinta maaliyadda ee Ingiriisku wadajir ugu dhawaaqeen inay maalgelinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee geeska Afrika oo ay jirto kaabeyaal dhaqaale oo loo hirgelinayo Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan badda lahayd.

Madaxweynuhu wuxuu bayaamiyey inuu dawladda Maraykanka ku guubaabiyey inay xidhiidh toos ah oo macno leh la yeelato JSL oo ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ammaanka, ka hortaga argagixisada iyo dhaqaalaha, waxaanu xusay inay ka xun yihiin xaaladda ka sii daraysa ee nabadgelyo iyo siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho, waxaanu caddeeyey in aanay Soomaaliya haysan wax sharciyad ah.

Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xusay in qaraarkii Xildhibaannada Baarlamaanka Maraykanku ay soo jeediyeen ee la xidhiidhay “Sharciga iskaashiga Somaliland iyo Maraykanku” uu astaan u yahay iskaashiga labada dhinac.

LEAVE A REPLY