Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay In Soomaaliya 60 Milyan Ka Xanibtay Somaliland Intii Farmaajo Joogay

0
1969

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibada xuska 61 guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingriiska 26 June 1960-kii, ayaa si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay xornimo doonkii ay ku guulaysatay 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay inay noqotay halkii laga dhidbay calankii  ugu horreeyey ee Soomaalidu yeelato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku hambalyeeyey shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba munaasibada 61 guurada markii ay Somaliland gobonimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu  sheegay in Somaliland ku naaloonayso  nabad, horumar iyo qaranimo taabogal ah 30 kii sannadood ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu sharraxay hadimooyinka dawladda Muqdisho u soo hoysay Somaliland muddo rubuc qarni ah.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si xeel dheer u sharaxay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya isagoo sheegay in Somaliland ku dhisan tahay Sharciga Caalamiga ah.

Geesta kale, madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay 60 Milyan ka xanibtay Somaliland intii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay in Somaliland mudadii ay madaxbannaanideeda la soo noqotay ay qabatay 7 doorasho oo xor iyo xalaal ah islamarkaana ay sadex madaxweyne hab dimuquraadi ah isku bedeleen halka, sidoo kalena ay laba golle Wakiillo iyo Deegaan doorasho qof iyo codkii ah ay isku bedeleen.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu hambalyo u diray Xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee 31-kii May ka dhacday Somaliland iyo Kuwii aan guulaysan.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu nasiib daro ku tilmaamay in qayb dhan ka mid ah Shacabka Somaliland oo ah Haweenku aanay ku soo bixin doorashadaas isagoo dhanka kalena hambalyo u diray Gabadh ku soo baxday Doorashadii deegaanka oo loo doortay Maayar Degmo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in maalgelinta dekeda Berbera ay guul taariikhi ah u horseeday qarankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here