Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay wareegto madaxweyne ku magacaabay xubnaha guddiga xuquuqal insaanka ee qaranka Somaliland oo ah 7 xubnood.
Wareegtada madaxweyne Biixi, ayaa waxa ka dhex muuqda dad caan ah oo bedeli doona guddigii hore. Qoraalka wareegtada ah ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan
Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;
Markaan
Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;
Markaan
Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka: