Madaxweyne Biixi oo madaxda mucaaradka ugu baaqay miiska wada hadalka iyo Faysal & Cirro oo ku gacansaydhay

0
536

Hargeysa(HargeisaPress)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay in ay  kulan isugu yimaadaan si ay u xaliyaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee soo jiitamay oo uu ku tilmaamay nacasnimada xisbiyada dalka.

Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in  hadalkiisa iyo ficilkiisu aanay isla socon isla markaasna aanu doonayn in ay doorasho qabsoonto, waxaanay qaadaceen kulan danbe inay isugu yimaadaan iyaga iyo madaxweynuhu, xisbiyada ayaa shaaciyay inay hoggaaminta madaxweynaha ay ka tashan doonaan hadii aanu doorasho qaban.

Ugu horayntii madaxweyne Biixi oo ka hadlay xaflada aagga cashuuraha ka caagan ee ay kala saxeexeeen Somaliland iyo DP World waxa uu yidhi “Waxaan u  baahanahay Somaliland intaas isla ogol oo khilaafka dhexdeedu uu yar yahay oo meel u wada jeeda oo dhexdeedana ka wada tartanta meelna u wada jeeda taasna waxaan ku helaynaa inaga oo arimaha mabaadiida ah ka heshiina waxaan ka helaynaa inaga oo xisbiyadeenu ay ka heshiiyaan khilaafaadka jira, waxaan u arkaa in aynu doorasho qabano deg deg ah waa muhiim dalkaaana u baahan  waan qaban karnaa doorasho iyada oo aanay cidina inaga caawin dhaqaale iyo farsamo toona, doorashadu waxay dib ugu dhacaysaa waa khilaafka xisbiyada  cid kale eedda lama  laha xisbiyadu markay diyaar garoobaan ee ay ka heshiiyaan khilaafaadka dhaqaalaha  iyo talada iyo sharciyada waa la helayaa , nacasnimada ugu badan waxay fuulaysaa saddexda xisbi  ee ku heshiin waayay inay doorasho qabsadaan ee khilaafkoodu sanado jiitamaayo, doorashada dib u dhacaysaa dhexdeenana khilaafbay ku abuuraysaa iyo nacayb dhexdeena ah waayo qofka la doortay muddo shan sanadood ah hadduu kursiga banayan waayo oo sidii meertada ahaa la waayo kii kale ee xilka sugaayayna colaad ayuu ka qaadayaa iyo nacayb kordhaaya.”

Waxa uu madaxweyne Biixi baaq u diray xisbiyada mucaaradka ah“ Arimaha dibadana waa ay inaga dhaawacaysaa  dad tashan kariwaayay oo doorasho ku heshiin waayay  yaa la macaamilaaya, waxa la odhanayaa dadka doorasho ku heshiin waayay ma iyagaa hadhba inoo jiidaaya , sidaas daraadeed waxaan doonayaa inaan halkan uga baaqo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah  inaan shir deg deg ah isugu nimaadno wiiga soo socda bilowgiisa ugu danbayn  si aan u gorfayno si khilaafaadkan loo dhameeyo oo dalku uu doorasho u galo.”

Faysal iyo Cirro

Intaas kadib xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid oo wadajir u shiray ayaa sheegay in ay qaadaceen shirkaas madaxweynuu uu isugu yeedhay iyaga oo u jeediyay eedaymo kala duwan, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa afka labada xisbi ku hadlay waxaanu yidhi“ Waxa ugu daran marka qofka madaxda ah afkiisa iyo uurkiisu ay is yeelan waayaan  waa masiibo weyn, qofka masuulka ah ee madaxda ah waa in qolkiisa iyo ficilkiisu ay is yeeshaan, madaxweyne Muuse labadaas sanadood ee uu dalka hayay khudbadaha uu akhriyo iyo ficilkiisu isma laha, waa madaxweynii ugu horeeyay ee ina soo mara ee hadalkiisa iyo waxa uu samaynayaa ay kala duwan yihiin, doorashada waxa ay masuuliyadu ka saaran tahay madaxweynaha  asxaabta kamay saarnayn, laba sanadood waxaanu doonaynay in madaxweynuu uu doorasho qabto, waxa uu marmarsiiyo ka dhigtay xisbi kaliyaata oo yidhi kuma kalsoonin gudidaas, haddii uu madaxweynuu daacad ka yahay doorashada waa uu qaban lahaa, madaxweynaha waxaanu u samaynay tanaasul badan sidii uu doonayay ayaa nalagu dhex-dhexaadiyay ugu danbayntii, baarlamaanka ha loo gudbiyaa la yidhi baarlamaankii waa uu ka hortagay oo waa kii diiday ee la taliye sharci oo aan xaq u lahayn uu yidhi sharci maaha, hadana waanu u dulqaadanay oo tiisii ayaan u raacnay in toddoba la magacaabo labana hadhow lagu daro labada xisbi ay leeyihiin si uu doorashada isku hortaago  ayuu xeerkii jabiyay oo xubin aanu sharcigu uu sheegayo in aanay xikaas qaban ayuu magacaabay, markaas madaxweynuu qorshe ayuu samaystay  naftiisa ah oo ah baarlamaanka  ha kordho guurtiduna ha korodho taaduna ha korodho, waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha  doorashadaas deegaanka iyo baarlamaanku waa ay isku xidhan yihiin, hadaanay doorasho dhacin madaxweyne noqon maayo Muuse  oo ma joogayo, haddii doorasho uu diido dimuqraadiyadii waa ay dhimatay talaabooyin kalena waanu qadaynaa si aanu kursiga  u sii hayn”

Waxa ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ah kulan madaxweynuu uu ugu baaqay“ Gudida aanu ogolaanay ee isaguna uu kalsoonidii siiyay ayuu saddex arimood ku dhaqaaqay waxaan idin tusayaa inaanu daacad ahayn, gudidii laysku haystay ayuu dhaariyay,waxa uu sameeyay kordhin baarlamaan oo laba sano ah, gudidii ayuu yidhi is doorta oo gudoomiye ka dhiga xubintii laysku haystay afar qof ay doorteen labana ay ka hadheen, taasi waxay ku tusaysaa in Muuse muran u taagan yahay laakiin waa laga tashanayaa, dhibaato aan Muuse ahayn  dalkani ma laha, khatarta Somaliland maanta waa Muuse  oo hawshii loo doortay ka baxay oo muran iyo gar u jooga, waxa uu yidhi waxaan casuumayaa labada xisbi  waxaanu leenahay labadaas sanadood toban jeer ayaanu madaxweynaha la fadhiisanay oo tii u danbaysay ay ahayd 26-kii Juun oo uu xafladii ka yidhi waanu kulmaynaa wax wanaagsan ayaana ka soo bixi doona, waxba kamay soo bixin, kulankiisa wax ka soo baxayaa ma jiraan, xeer beegti ayaanu samaynay  gudi dhex dhexaad ah  oo xul ah oo reer Somaliland ah  oo umadeena oo dhan ka kooban  kuwaas ayaanu sugaynaa,Muuse wax danbe oo aanu la fadhiisanaynaa oo aanu la hortagaynaa ma jirto madaxnimadiisna waanu ka tashanaynaa haduu doorasho qaban waayo.”

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here