Madaxweyne Biixi oo kullan la yeeshay Guddida Doorashooyinka

0
1827

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta qasriga madaxtooyadda kullan kula yeeshay xubnaha Guddida Doorashooyinka  qaranka Somaliland.

Ujeedada kullanka, ayaa ahayd sidii loo dardar gelin lahaa habsimi u socodka arrimaha doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa dhankooda madaxweynaha qaranka uga xog-waramay sida ay ugu diyaar garoobayaan guddi ahaan qabsoomida doorashada.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranka ee dalka.

Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada isa saaran ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, taasi oo la qorsheeyay in ay dalka ka qabsoonto 13ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here