Madaxweyne Biixi oo Go’aan Kama Dambeysa Ka Qaatay Loolanka Adag Ee Saylici iyo Saajin

0
3270
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mowqif cad ka qaatay loolanka adag ee u dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Xasan Saajin.

Madaxweyne Biixi ayaa kulan ay saxaafadu dibad joog ka aheyd oo uu shalay la qaatay ergo ka socotaya waxgaradka beesha Saylici, ay ugu gudbiyeen cabasho la xidhiidha guuxa iyo sawaxanka xoogan ee ka dhashay tartanka loo galayo kursiga Guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Muuse ayaa ergadii beesha Saylici u sheegay inaanu marnaba soo fara-galin doonin loolanka adag ee u dhaxeeya Saajin iyo Saylici, isla markaana ay tahay inay odayeeyaan Salaadiinta iyo waxgaradka labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan, maadama uu ku doodayo inay tahay mid iyaga dhex taala, sida ay Hargeisapress u sheegen xubno goob-joog ka ahaa shirkaasi.

Saylici iyo Saajin ayaa loolan adag oo buuq badan dhaliyay ugu jira tartanka kursiga Guddoomiyaha kuxigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu bilowga bishan soo socota uu furmo shirweynihiisu.

Mana muuqato ifafaalo muujineysa in labada Mas’uul uu midkood uu tanaasul muujiyo, maadama ay madaxda Kulmiye ay ku doodayaan in tartanka labada mas’uul uu horseedi karo tafaraaruq badan oo dhanka beelaha gobolka Awdal iyo mida golaha dhexe ee xisbiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku qaadayey weerar afka ah oo ay isku marinayeen warbaahinta, midaasi oo kor usii qaaday loolanka xoogan ee ka dhex aloosan labada mas’uul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here