Madaxweyne Biixi oo Ergooyin U Soo Direy Cabdiraxmaan Saylici iyo Nuxurka Fariinta Ergada

1
3100

Hargeysa, (HargeisaPress) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa, Culeys Badan Ka Dareemay Xiisada ka dhalatay,Tartan La,aanta uu Galiyay Kursiga Gudoomiyaha, Ka Kuxigeenka Koowaad,iyo Ka Kuxigeenka Labaad iyo Ka Kuxigeenka 3aad Haseyeeshee, uu Tartanka Ku Koobay Kursiga Gudoomiye/Kuxigeenka Afraad ee Xisbiga Kulmiye  oo uu Ku Fadhiyo Madaxweyne Kuxigeenka Candiraxmaan Saylici, kaas oo uu la damacsanaa in uu Wasiiradiisa Soo Galiyo, Mid Kamid ah oo aan Shuruudihii Buuxinin Kusoo Galiyo Hogaanka Xisbiga.

Sida ay Sheegeen, Warar Xogogaal ah Ergooyin ayaa Maanta Gaadhey Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici Kuwaas oo uu u Direy Madaxweyne Biixi Kadib Markii Saylici ka Diidey in uu Kulan Madaxweyne Biixi ugiuYeedhay Islamarkaana, ay u Muuqatay, in uu Dagaal adag Ka Galay, Loolanka La galiyay Kursigiisa oo Nidaam Cadaalad darro ah uu isagu U arkayay Markii Madaxweynuhi Ka Badheedhay, in uu Awoodiisa ku Meelmariyo, Wasiirkiisa Ganacsiga  Saajin oo aan Buuxin Shuruudihii Xisbiga, Laba Sano oo Kaliya ahna Katirsanaa Xisbiga Kulmiye, ilaa iyo hada lama Sheegin in Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan- Saylici Aqbaley Ergada ukala Dabqaadey isaga iyo Madaxweyne Biixi Laakiin Dagaal adag ayaa ilaa iyo hadda Ka dhex Socda, Waxaana Jirey Maalmihii u Dambeeyay Kulamo isdaba joog ah oo Madaxweyne/Kuxigeenku la Yeeshay Beeshiisa inta ugu Badan ee Duqeyda, Madax-Dhaqameedka Waxgaradka, Odoyaasha Ganacsatada, iyo Dhalinyarada,ee Sanadaha Badan Taageerada Taageerada ahaa Xisbiga Kulmiye Kuwaas oo Meel adag iska taagay in ay Go,aamo ka Qaadan Doonaan Xisbiga iyo Taageerada Xukuumadaba.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Tan intii ka Dambeysay Hadalo adag oo ay Shaley Warbaahinta Mariyeen, Qaar kamid ah Kaadiriyiinta Xisbiga Kulmiye, Waxa uu Dareemayaa Culays badan oo kaga Soo Noqonaya Beelihii Taageerayaasha u ahaa Xisbiga Kulmiye iyadoo, Siyaasadiisa Wakhtigan Lagu Dhaliilo Shan  Qoddob oo uu Dabeecad ahaan Ku Dabrey Talada Maamulkiisa, Taas oo uu Wakhtigana Xisbigii Iyo Shirweynaha Soo Socda iyo Qabanqaabadiisana Ku Maamuley.

Shanta Qodob Ee Astaanta u ah Madaxweynaha Waxa Kamid ah.

1-Malaha Dulqaad Siyaasadeed, iyo Xal Siyaasadeed oo uu ku Xaliyo Caqabadaha iyo Tabashooyinka laga Qabo.

2- Cadaalad La,aan Hore Loogu Sheegay, oo Ka Muuqata, Siyaasadiisa iyo Maamulkiisa Hogaamineed Khusuusan Dhismaha Golaha Xukuumada iyo Xilalka Qaranka.

3- Deeq La,aan ka Madnuuc ah Astaanta Hogaamiyaha, taas oo ay Farta ku Fiiqeen Guud ahaanba Bulshada Somaliland Sheekh iyo Shariifba, Madax iyo Mijaba ama (Gacan-Adeyg), taas oo ay isaga u Dheer tahay, In Wax Doonistiisa iyo Lacag Qaadashadiisu Ka Mudan Tahey, Baahida Dadka kale.

4-Hadalka iyo Khudbadaha uu Jeediyo, oo ay Had iyo Jeer ka Maqan Yihiin Milgihii Iyo Sharaftii Madaxnimo ama Haybadii Madaxweyne Qaran.

5- Kalsooni Darro joogto ah oo ay Tusaale u tahay in aanu Marnaba Raali Raali ka aheyn in Tartan Xalaal ah lala galo iyo Waliba aragtida ku Salaysan Qaabka uu usoo Xushey Siyaasiyiinta Golaha Xukuumadiisa, oo aanu Kujirin Qof Aragtidiisa ka Bixin kara Xaalada Dalka ama Talo u jeedin kara isaga.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here