Madaxweyne Biixi oo dhul siiyay geerashyada farsamada gaadiidka birta

0
1610
madaxweyne-biixi-oo-balanqaad-ka-sameeyay-arrinta-doorashada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda hawlaha Guud, dhulka iyo Guryeynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bille, ayaa maanta Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, Farsamadda Birta iyo Gaadiidka ee Gobolka Maroodijeex ku wareejisay dhul danguud ah kaas oo dhan 32 baloog.

Dhulkan oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi hore ugu balanqaaday Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, farsamadda birta iyo gaadiidka.

Munaasibadda kooban oo ka qabsoomtay xarunta dhexe ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, ayaa waxa halkaas si rasmi ah loogu wareejiyey dhulkii uu Madaxweynuhu u balanqaaday Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, farsamadda birta iyo gaadiidka.

Xubno ku hadlayey afka Bah-wadaagta Geerashleyda, ayaa ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta wasaaraddaha hawlaha guud, dhulka ay ku wareejiyeen.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Mustafe Maxamuud Cali Bille oo madasha ka hadlay, ayaa xusay in fikrada iyo soo jeedinta dhulkan uu ka yimid Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana uu hore u balanqaaday.

Waxaanu sheegay in madaxweynuhu faray madaxda wasaaradda hawlaha guud in ay ka hawl gasho fulinta dhulkan.

Wasiirka hawlaha guud, ayaa halkaasi ka shaaciyay in dhamaan Geerashyadda gaadiidka birta laga saari doono magaalada dhexdeeda, isla-markaana la isugu geyn doono goobtaas loogu talo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here