Gabiley (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku joogo gobolka Gabiley, ayaa caawa xadhigga ka jaray maktabadda cusub ee casriga ah ee laga hirgeliyey gudaha magaalada.
Madaxweynaha waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay maktabadda Gabiley, kaas oo si casri ah loo dhisay, islamarkaana lagu qalabeeyey buugaag kala duwan oo ay ka faa’iidaystaan da’yarta waxbaratay.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kulan la qaatay haweenka gobolka Gabiley, waxana ay muujiyeen sida ay haween ahaan u taageersan yihiin, isaga oo uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay gobolka ugu soo dhaweeyeen.
Haweenka gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagay halka ay ku dambeysay ansixinta gobolnimadii Gabiley iyo qorshaha xukuumaddiisa uga meelyaala, isagoona madaxweynaha cadeeyay mowqifka xukuumadiisa uga meelyaala ansixinta gobolnimada Gabiley.