Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro oo balanqaad ka sameeyay tartanka doorashada

0
2137

Hargeysa (Hargeisa Press)- Saddexda musharixiin ee xisbiyada qaranka Somaliland ee ka qayb galaya Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13ka bisha November ee sannadkan 2024-ka, ayaa balanqaad weyn ka sameeyay doorashada ay ka qayb galayaan.

Musharaxiinta kala ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan Xisbiga KULMIYE, Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan Xisbiga UCID iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isna ka sharaxan Xisbiga WADDANI, ayaa Guddida Doorashooyinka u balanqaaday in ay sharciga ilaalin doonaan, isla-markaana u tartami doonaan si bilaa turxaan ah.

Saddexda musharax ee Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa ay sheegeen in ay xeerarka doorashada ixtiraamayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa u mahadnaqay Guddida Doorashooyinka, isagoona kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in la canaanto.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uuna balan qaaday in uu u hoggaansami doono shuruucda doorashada.

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna musharixiinta ugu baaqay in ay xakameeyaan taageerayaashooda oo xiliga doorashada laga foggaado hadalada xanafta leh.

Saddexda musharax ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa saaka Guddida Doorashooyinku guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah ee muujinaysa in ay matalaan xisbiyada ay ka socdaan ee ay doorashada kaga qayb galayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here