Nairobi, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo Wafdi Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo ammaankasi weyn loo adkeeyay.
Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Kenya, isagoo joogi doona saddex maalmood oo uu kaga Qayb-galayo Nairobi shir looga hadlayo Ganacsiga iyo hal-abuurka ganacsiga.
Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jomo Kenyatta xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.
Maalmaha uu Obama joogo Nairobi ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulammo la qaato Ayeeyadiis dhashay Aabbihii Sarah Obama iyo xubno kale oo Qoyskaas ka tirsan, taasoo noqonaysa inuu Qoyskii uu aabbihii kasoo jeeday la kulmo isagoo ah Madaxweynaha Mareyknaka.
Wixii kasoo krodha booqashada Madaxweynaha waxaad kula socon doontaan Warar soo socda …..
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com