Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ingiriis Ah iyo Heshiis La Kala Saxeexday + SAWIRRO

0
910

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Adis-ababa. Amb. Harriet Mathews.

DSC_0055

Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabadgelyada mandaqada geeska afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya.

DSC_0047

Iyada oo markii danbena la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta.

Waxaana heshiiskan labada dal u metelaayey wasiirada Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga.

DSC_0062

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay weftiga Ingiriiska ka wada hadleen mashruuca sanquuqa horumarinta Somaliland(Somaliland development fund), sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo ay qayb ka noqdaan wadamada Ingiriiska iyo kuwii hore u bilaabay.

DSC_0112

Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo soo dhawaynta loo sameeyay iyo kulanka madaxweynaha. Waxa uu sheegay inay arrimo door ah isla lafo gureen, kuna dhammaadeen is af garad iyo midho dhal. Waxa uu sheegay in arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen ganacsiga iyo ammaanka oo dan u ah labada dal.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here