Hoggaanka KULMIYE oo Ka Arrinsaday Doorashooyinka iyo Qorsheyaasha Xisbiga

0
907

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka sare ee xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen shir muhiim ah oo ay kaga arrinsadeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan, ayaa waxaa Shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ku wehelinayay xubnaha sar sare ee hoggaanka xisbiga.

Kulankan, ay yeesheen hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa uu ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Waxana kulanka lagaga wadahadlay qodobo la xidhiidha u diyaar-garowga doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen; daadejinta qorsheyaasha xisbiga KULMIYE u dhigay inuu ku galo doorashooyinka iyo xoojinta abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga ee heer qaran ilaa mid degmo.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo is-daba-joog ah oo maalmihii u dambeeyey u socday hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo u diyaargaroobaya doorashooyinka oo uu ku tartamo Waxqabad muuqda oo uu hirgeliyey, guusha aqoonsi buuxa oo dalkani helo oo bilowgiisii la hayo, Difaaca Qarannimada Somaliland iyo ka midho- dhalinta himilada ummadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here