Madaxweynaha Soomaaliya oo Ka Qayb-gelaya Meertada 74-aad Ee Golaha Qaramada Midoobey

0
605

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Muaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxaya dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Wafdiga Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here