Laascaanood: Booliska Oo Soo Qabtay Khamri Aad U Badan

0
787

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Maamulka gobolka Sool ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyaha Khamriga oo aad u badan, kaasoo ay ciidamadda boolisku ka soo qabteen xili magaaladda la soo gelinayay.

Khamrigaasi oo dhamaa 120 Litir  ayay ciidamadda boolisku ku guulaysteen in ay soo qabtaan, iyadoo ay baxsadeen raggii watay balse khamrigii iyo baabuurkii lagu siday ay ciidamadu soo qabteen.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmadda Laascaanood C/casiis Taarwale, iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Sool oo maanta si wada jira shir jaraa’id u qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay arrintaasi.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ciidamadda booliska uga mahad celiyay, isagoona bulshadda ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamadda booliska.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool Gaashaanle dhexe Axmed C/laahi Cabdi, ayaa isna sheegay in  kadib hawl gal balaadhan oo ay ciidamadda boolisku sameeyeen ay ku soo qabteen Khamrigaasi.

Kaasoo markii ay ka war heleen in khamrigaasi magaaladda la soo gelinayo ay ciidamadu ku baxeen, iyadoo raggii Khamrigaasi watay ay ka baxsadeen gaadhigii iyo khamrigiiba.

Gaashaanle dhexe Axmed, waxa uu ka codsaday bulshadda magaaladda Laascaanood in ay ciidamadda booliska ka caawiyaan sidii wsx looga qaban lahaa maandooriyaha Khamriga oo uu sheegay in uu dhibaato ku hayo dadka.

Geesta kale waxaa isna halkaa ka hadlay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo u mahad celiyay ciidamadda booliska sida ay ugu guulaysteen soo qabashadda khamrigaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Masuuliyiintaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here