Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyey inuu diyaar u yahay doorasho dalka ka dhacda

0
381
madaxweyne-biixi-oo-balanqaad-ka-sameeyay-arrinta-doorashada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa,(HargeisaPress)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in aanu diyaar u ahayn muddo dherersi uu kursiga ku sii fadhiyo, isla markaana diyaar u yahay doorasho dalka ka qabsoonta.

Wareysi telefishanka France 24 dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse ayuu ku sheegay in xukuumaddu dhaqaale gaadhaya 10 milyan oo dollar u qoondeysay in doorahsooyinku ku qabsoomaan.

Barnaamij France 24 cinwaan uga dhigay “Doorashooyinku ma u hoggaamin doonaan Somaliland Ictiraafka oo la baahiyey 14 April 2023 ayaa Madaxweyne Md. Biixi ku yidhi,

“Xukuumadu waxay u qorshaysay 10 milyan oo dollar doorashooyinka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo korodhsigu tahay sheekada siyaasiyiinta, waxaanu yidhi,

“Kalitalisnimo iyo muddo-korodhsi waa sheekada siyaasiyiinta, anigu ma aaminsani taa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here