Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Madaxda Xafiiska Dowladda Ingiriiska

0
1670

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxa Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ku leedahay Hargeysa ee xilka ka degaya  𝐈𝐋𝐘𝐀𝐀𝐒 𝐌𝐀𝐋𝐄𝐊 iyo madaxa cusub ee loo soo magacaabay isla Xafiiskaasi Marwo 𝐋𝐎𝐔𝐈𝐒𝐄 𝐇𝐀𝐍𝐂𝐎𝐂𝐊  iyo masuuliyiin kale.

Kulankan, ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland ee xilka ka sii degaya Mr Ilyaas Malek, ayaa Madaxweynaha baray Madaxa cusub iyo ku xigeenka xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Waxa kale oo uu Somaliland uga mahad-naqay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu bogaadiyey dedaallada nabadeed ee ay waddo Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Ilyaas Malek, ayaa ugu hambalyeeyay sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay Somaliland ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in cid kasta laga wada tashado si xal looga gaadho xiisadaha ka taagan gobolka.

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:

𝟏. Xoojinta Xidhiidhka Labada Dhinac

𝟐. Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga

𝟑. Amniga iyo Xasiloonida Gobolka

𝟒.  Isweydaarsiga Aqoonta sare  iyo Waxbarashada

𝟓.  Taageerada Dawladnimada iyo Horumarinta Bulshada

Hawl-wadeenada Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan sahaminta fursadaha maalgashi ee xagga ganacsiga, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo tignoolajiyada, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga koboca dhaqaalaha dhaqaalaha ee Somaliland.

Kulankan, ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay rajo ka muujiyeen mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska.

Waxa si wada jir ah loo ballanqaaday in si dhow looga wada shaqaynayo arrimaha mudnaanta leh Somaliland iyo mandaqaddaba, iyo sidii dhabbaha loogu xaadhi lahaa iskaashi adag oo faa’iido u leh labada dhinac, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka iyo meeqaamka caalamiga ah ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here