Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Weftiga Ka Socda Dowladda Itoobiya

0
807

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti heer wasiir ah oo ka socda dawladda Federal-ka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

Weftigan oo ujeeddada safarkoodu daarran yahay inay shacabka Somaliland la qaybsadaan tiiraanyada iyo murugada, sidoo kalen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiyaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Mudane Abiy Ahemd Ali iyo guud ahaan shacbiga reer Ethiopia, islamarkaana xubnaha weftigu ay Madaxweynaha Qaranka Somaliland soo gaadhsiyaan farriin gaar ah oo ay ka sidaan Ra’isal wasaare Abiy Ahmed.

Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey gurmadka walaalnimo ee dawladda iyo shacbiga Ethiopia ay la barbar istaageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kalena gurmad uu soo diray  habeennimadii xalay Madaxweynaha Dawlad Degaanka Somalida,  Mustafe Muxumed Cumar uu cid walba uga soo horreeyey, dhinaca kalena farriintii uu bulshada Somaliland usoo diray Ra’isal wasaare Abiy Ahmed iyo weftiga uu isla maanta  usoo diray Somaliland inay indhahooda kusoo arkaan dhibtii soo gaadhay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay iyaduna tahay mid ay cid kasta kaga hormareen, isla galabtana ay marag ka yihiin masiibada dabkaasi geystay, taas oo muujinaysa walaaltinimada qotoda dheer iyo deris-wanaagga ka dhexeeya labada shacbi iyo labada waddan.

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaxweynaha ku wehelinayey kulanka xubno ay kamid yihiin wasiirka Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Mudane Mustafe Cali Bile, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Suufi, wasiirka macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiir-ku-xigeenka Amniga,  agaasimeyaasha guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda iyo madaxtooyada, maareeyaha hay’adda Duulista  iyo Ergayga  gaarka ah ee IGAD iyo AU-da.

Xubnaha Weftiga ka socda dawladda Federal-ka Ethiopia ee maanta soo gaadhay dalka, waxaa ka mida Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda, Mudane  Axmed Shide, Gaadiidka,  Marwo Dagmawit Moges iyo Masuuliyiin ka socda laamaha Aamniga iyo gurmadka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo weftiga la socday.

Ugu danbayn Xubnaha weftiga, ayaa isla galabtaba soo kormeeray suuqa Waaheen ee uu dabku baabi’iyey, waxana ay indhahooda kusoo arkeen baaxadda dabka iyo waxyeellada uu gaadhsiiyey dhaqaalihii suuqaasi ku cammirnaan jirey, waxaana si wada jira warbaahinta ula hadlay Wasiirka Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here