Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Kuwait Ka Socda + Daawo SAWIRRO

0
801

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxaned Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday  dalka kuwait oo uu hogaaminaayey madaxa hay”adda samofalka  kuwait fan oo uu hogaaminaayey Sacad Al Cuyabi oo madax u ah in ka badan afartan dawladood.

11934969_734085153368698_3584382946400805592_n

 

mudadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay’adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee galbeedka iyo waqooyiga dalka.

11954781_734085163368697_5454687533134393960_n

madaxa waftigan kuwait fan sacad al cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay’adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay’adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga hargaysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.

11863447_734085173368696_8467305180315987276_n

 

Gebagebadii waxa uu madaxwaynaha uga mahad ceyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here