Madaxweynaha Somaliland Oo Masuul Cusub Magacaabay

0
942
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa masuul cusub u magacaabay wasaaradda Qorshaynta qaranka oo hore uu isaga casilay wasiir xigeenkii Cabdikariim Axmed Mooge. waxa uu Madaxweynuhu magacaabistiisa ku sheegay digreeto uu soo saaray maanta.

Digreetada Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JamhuuriyMadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.

Madaxweynaha:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; 
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Naasir Yuusuf  Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada  Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here