Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Booqday Cusbitaalka Weyn ee Hargeysa + SAWIRRO

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo ka dib xidhitaankii shirka Kulmiye booqasho ku tegay Cusbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa ayaa ugu horayn waxa uu booqday Maxamed Cabdi Iskeerse oo ah Siyaasi iyo Oday qaran Madaxweynahana ay saaxiibo dhaw yihiin, xaalad caafimaad awgeedna u jiifa Cusbitaalka weyn, shalayna ka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii shirka Kulmiye.

Cusbitaalka Guud 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha ama Musharaxa Xisbiga kulmiye, Xubno wasiiro ah, Xildhibaano iyo Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Amina weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa dhamaantood waxay alle uga baryeen in uu xanuunka ka dulqaado Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse.

Cusbitaalka Guud  15

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu booqday bukaan jiifka ku jira dhakhtarka weyn isaga oo madaxweynuhu guud ahaan dadka ku sugan cusbitaalka ugu duceeyey in alle ka dulqaado xauunka caafimaad sareecana siiyo dhamaantood.

Cusbitaalka Guud 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse isagoo sheegay in madaxweynuhu dadka ku sugan dhakhtarka weyn ee bukaan jiifka ah, kuwa ku sugan dhakhtarka TB-da iyo bukaanka qaybta Maskaxda uu madaxweynuhu ugu deeqay xoolo nool oo loo qali doono dhamaantood.

Cusbitaalka Guud 7

 

 

 

 

Cusbitaalka Guud 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here