Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai

0
1390

Dubia (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku guda jira safarkii shaqo ee uu ku joogay dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai, ๐’๐ฎ๐ฅ๐ญ๐š๐ง ๐€๐ฅ ๐Œ๐š๐ง๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ข oo ka tirsan Guddida Maamulka Bangiga Ganacsiga ee Dubai.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai, ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga, horumarka iyo maalgashiga.

Wadahadaladan, ayaa lagu lafo-guray dariiqooyinka kor loogu qaadi karo ganacsiga Somaliland, laguna soo jiidan karo Maalgashadeyaasha Imaaraadka gaar ahaan xagga kaabayaasha dhaqaalaha, lojistikada, tamarta, xagga kobcinta aqoonta iyo awoodeynta Baanka Somaliland iyo sidii loo fududayn lahaa xidhiidh ganacsi oo toos ah oo u dhexeeya Dubai iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu iftiimiyey goobta istaraatajiyadeed ee ay Somaliland ku taallo, fursadaha maalgashi ee Somaliland ka bannaan iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi .

Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi iyo hiigsiga mustaqbalka fog oo barwaaqo leh.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uuย  kulan la qaatay weftigii dalka Senegal uga qayb galay Shirkii Dawladaha Adduunka ee Dubai 2025.

Waxaa ayna ka wadahadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maamulka, aqoonta, horumarka bulshada iyo xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale kala hadlay sidii loo soo nooleyn lahaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dib loogu dar-dar gelin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Senegal.

May be an image of 6 people, dais and text

May be an image of โ€Ž5 people, newsroom, dais and โ€Žtext that says 'โ€ŽRNMENTS ุงู„ุนุงู„ูŠู…ุฉ ู‡ุฉ ู„ู„ุญูƒูˆู…ุงุช SUMMIT ุงู„ู‚ู…ูŠุฉ GOVERNMENTS WORLD = SINโ€Ž'โ€Žโ€Ž

May be an image of โ€Ž4 people, dais and โ€Žtext that says 'โ€Žุงู„ู‚ู…ูŠุฉ WORLD ุจู…ูŠุฉ ุงุนุงู„ GOVERNMENTS GOV ู„ู„ุญูƒูˆู…ุงุช SUMMIT 1 ์†Œํ’ˆโ€Ž'โ€Žโ€Ž

May be an image of 1 person

May be an image of 1 person, newsroom, dais and text that says 'WORLD GOVERNMENTS SUMMIT'

May be an image of โ€Ž8 people, dais and โ€Žtext that says 'โ€Žู…ุฉ I WORLD GOVERN SUMMโ€Ž'โ€Žโ€Ž

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here