Madaxweynaha Somaliland oo kormeeray Huteelka dowladda ee Hargeysa Club

0
1354

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kormeeray huteelka dowladda ee Hargeysa Club oo noqon doona mid u gaara qaranka oo xukuumadda uu hoggaamiyaa ku samaysay dib u habayn iyo ballaadhin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu mid mid u galay qaybaha kala duwan ee Huteelku ka kooban yahay.

Waxana uu indhihiisa ku soo arkay horumarka uu sameeyey hindisihiisii ahaa in dowladdu yeelato Huteel casri ah oo la jaanqaadi kara huteellada dhiggiisa ah ee Kale, isla-markaana laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil weyn iska saaray sidii dib loogu casriyeyn lahaa huteelka dowladda ee Hargeysa Club, kaas oo haatan laga dhigay mid baaxaddiisu ballaadhan tahay, casri ah, islamarkaana loo dhammaystiray wax kasta oo huteel casri ah looga baahnaa.

Kormeerka, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here