Buuhoodle (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta boogasho shaqo ku tegay qaar ka mid ah fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiidaha u dhexeeya Qorilugud iyo Buuhoodle.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa mid mid u tegay fadhiisimada ciidamada qaranka ee aaggaasi kaga jira difaaca.
Waxana uu Madaxweynuhu warbixino ka dhegaystay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.
Madaxweynaha, ayaa indho indheeyay shaqada culus ee ciidamada qaranku bulshada u hayaan iyo sida naf-hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda.
Waxaanu Madaxweynuhu Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidaha gobolka Buuhoodle ku sugan, u jeediyay dardaaran culus iyo dhiiri gelin.
Hoos ka daawo muuqaalka